Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa magacaabay taliye ku xigeenka Nabadsugida iyo sirdoonka qaranka Soomaliyeed ee Gobolka Banaadir.
Taliye ku xigeenka Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka qaranka Soomaliyeed ee Gobolka Banaadir ayaa loo magacaabay Gaashaanle Maxamuud C/qaadir Xaaji (Jeego).
Magacaabistaan ayaa la sheegay in ay ka dambeysay kadib la tashiyo uu madaxweynaha la sameeyay Taliyaha Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka qaranka Soomaliyeed ee Nisa general Sanbaloolshe.

