Dagaalyahano ka Tirsan Xarakada Al-shabaab ayaa caawa weerar ku qaaday Saldhig ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaliya oo ku yaala Xaafadda Suuqa Xoolaha ee Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir.
Mid kamid ah dadka deegaanka oo goordhaweyd la hadlay idaacadda Simba ayaa sheegay in saacada mar ay aheyd 08:35-daqiiqo in dagaalyahano ka Tirsan Xarakada Al-shaabab ay kasoo galeen dhanka biyo dageenka Xaafadada Suuqa Xoolaha islamarkaana ay dagaal la galeen ciidamo ku sugnaa halkas.
Waxa uu sheegay In dagaalka uu ilaa haatan socdo islamarkaan Ciidamada Xarakada Al-shabaab iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaliya ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, balse aan la ogaan Karin qasaaraha ka dhashay dagaalka.
Al-shabaab iyo Ciidamada dowladda ayaa horey ugu dagaalamay Xaafadda Suuqa Xoolaha ee Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir.

