Akhriso:-Puntland oo Abaalmarinaysa Ciidamo Qabtay Qaraxyo

0

Shirkii Golaha Wasiirada ee Puntland oo looga hadlay dagaalkii Af-urur, qoraal kasoo baxay shirka ayaa looga waramay waxyaabihii Golaha wasiirada ee Puntland ay ka dhaheen arrinta weerarkii ALshabaab ee xalay.

“Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland ayaa sheegay in xalay saqdii dhexe ay soo weerareen Al-shabaab deegaanka Af-urur ee buuralayda Gal-gala iyagoo weeraray xerro ciidan oo ku taal tuulada Af-urur.

laakiin nasiib-daro markii ay ciidamadu iska caabiyeen weerarkaas, waxay laayeen Al-shabaab  dad shacab ah oo daganaa deegaanka Af-uru oo iskugu jira odayaal madax-dhaqameed ah, Dumar iyo Caruur, arrintaas oo muujinaysa arxaddarada Bur-cadaas.

Waxayna goluhu u tacsiyeeyeen dhamaan shacabkii halkaa lagu laayey, waxayna goluhu sheegeen in Al-shabaab caadadooda ay tahay markasta oo looga adkaado dagaalka inay shacabka laayaan.

Goluhu wuxuu caddeeyay in ciidanka mujaahidiinta ah ee Puntland iskaga filan yihiin Al-shabaab iyo cadowga Puntland, horeyna ay ugu dhiggeen taariikh lama ilaawaan ah, sidoo kale goluhu waxay sheegeen in Al-shabaab ka qoomameyn doonto shacabka Puntland ee ay laayeen ee birri-mageydda ah, sidoo kale goluhu wuxuu caddeeyay in aan waxba ka jirin sheegashooyinka .

Goluhu wuxuu sheegay in Puntland iyo shacabkeedu ay ku filan yihiin difaaca dalkooda, ayna ka sifeyn-doonaan Al-shabaab meelaha ay Puntland uga dhuumaleysanayaan, isla markaana uu soo dhamaaday waqtigii Al-shabaab ay ku dhuumaaleysan lahaayeen gudaha Puntland.

Sidoo kale goluhu waxay ku dhawaaqeen in la abaal marin-doono Askartii ku dhimatay qaraxii Boosaaso iyo askartii gacanta ku dhigtay qaraxyadii lagu qabtay Boosaaso iyo Gaalkacayo”

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here