War Deg Deg:-Dil Goordhaweyd Ka Dhacay Muqdisho

0

Kooxo hubeysan ayaa goordhaweyd waxa ay Isgoyska Carwo Iidka ee degmada Howlwadaag ay ku toogteen askari ka tirsan Ciidamada Xasilinta Caasimadda Muqdisho, iyagoo sidoo kale dhaawacay askari kale oo ka Tirsan isla Ciidamada xasilinta.

Goob-joogayaal ayaa idaacadda simba u sheegay in  2 Nin oo ku hubeysnaa Qoryaha fud fudud ay toogteen askariga islamarkaana ay dhaawaceen askariga kale ee ka Tirsan isla Ciidamada xasilinta..

Sidoo kale waxaa la xaqiijiyay in qof shacab ahaa oo shirkadd  goobta ku taala u shaqeynayay in uu ku dhintay rasaas la isweedaarsanayay kooxo hubeysan iyo askarta ka Tirsan dowladda.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here