Wafdi uu Hogaaminayo Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle(Xaaf) ayaa safar dhulka ah ku gaaray Goordhaweyd deegaanka Galinsoor ee Gobolka Galgaduud,
wafdiga Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa ku hakaday Magaalooyinka Galinsoor iyo Bandiiradley, waxaana la filayaa dhawaan gaaraan magaalada Galkacyo, oo sanadii dambe ay kusoo laalaabteen colaad u dhaxeysa maamulada Galmudug iyo Puntland.
Waa safarkii labaad ee madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle(Xaaf)ku baxo kadib doorashadiisii, Mr. Xaaf ayaa todobaadka booqday degmada Cabudwaaq, halkaas oo uu kula kulmay waxgaradka deegaanka.

