Wararka naga soo gaaraya Duleedka Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ku waramaay in qarax miino uu dhulka la galiyay in lala eegtay kolonyo uu la socday Wasiirka Amniga Gudaha ee Maamulka Hir-shabeelle.
Mudane Maxamed Ibraahim Cali Wasiirka Amniga Gudaha ee Maamulka Hir-shabeelle uu ku socdaalayay duleedka Degmada Balcad ayaa la sheegay in qaraxa uu ka badbaaday islamarkaana uu qasaaro dhimasho iyo dhaawac iskugu jirey in uu soo gaaray Ciidamadii la socday.
Xiriiro aynu la sameenay Wasiirka Amniga Gudaha ee Maamulka Hir-shabeelle ayuu noogu xaqiijiyay in qaraxa isaga lala beegsaday islamarkaana uu badbaaday balse balse uu jiro qasaaro soo gaaray qaar kamid ah Ciidamadiisa.

