Madaxweyne Farmaajo oo Lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Kismaayo+Sawirro

0

Madaxweynaha  Jamhruuiyadda Federaalka Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (farmaajo) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Kismaayo ee caasimadda kmg ah ee Maamulka Jubba-land.

Wafdiga madaxweyne farmaajo oo iskugu jira wasiro ka tirsan Xukuumadda Soomaliya , iyo Xildhibaano ayaa  waxaa garoonka Diyaaradaha Magaalada kismaayo kusoo dhaweeyay madaxda Jubba-land uu ugu horeeyo Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed madooobe), iyo Shacabka Magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha Soomaliya Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa loo galbiyay Xarunta Madaxtooyadda Dowladd goboleedka  Jubba-land ee Magaalada kismaayo wuxuuna halkaas kulamo kula leeyahay haatan Madaxweynaha Jubba-land Axmed maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here