Akhriso:-Wadamo iyo Ururo Ka Hadlay Arrinta Dowladda Qadar

0

Mareykanka :- Ma u amaanin waxa dhacay, mana muujin difaac sax ah , laakiin Waxaa uu sheegay in arrintani aysan waxba ka bedeleen qorshihiisii wadashaqeyn ee uu la lahaa Qadar.

Sarkaalka u hadlay Mareykanka waxaa uu sheegay in ay howshooda wadanayaan, oo diyaaradahoodu u duulayaan Afghanistan, Iraq iyo Syria iyagoo ka duulaya saldhigooda Militari ee ay ku leeyihiin Al-Udeid, Qadar

Israel: Waxaa ay amaantay tillaabada xiriirka loogu jaray Qadar, waxay sheegtay Israel in aanu shaki ku jirin, in ay arrintan xoojinayso iskaashiga ka dhanka ah halganka argagixisada.

Turkey:- Madaxweyne Erdogan yaa isku dayaya inuu door ka qaato xalinta arrinta Qadar iyo wadamada kale sida laga soo xigtay Ra’isalwasaare ku xigeenka Turkey.

Wasiirka arrimaha dibedda Mevlut Cavusoglu oo shir jaraa’id ku qabtay Ankara, wuxu muujiyey siday ay uga xunyihiin waxa dhacay , wuxuu yiri midnimada wadamada khaliijka waa midnimadeena.

Iran :- Waxaa ay ku baaqday wadahadal in wax lagu dhameeyo, waxay sheegtay xaalada noocan ah oo lasii huriyo in ay khatar ku tahay faa’idada wadan kasta oo gobolka ku yaal.

Reza Nourani oo ah guddoomiyaha ururka ganacsatada Iran ee badeecada dibada u dhoofiya, waxaa uu yiri Markabka cuntada ah ee laga diro Iran waxaa uu Qadar ku tegi kara 12saacadood.

Kuwait:- Amiirka dalkaasi Shiikh Sabah Al-Ahmad Al-Sabah ayaa ugu baaqay amiirka Qadar Al-Thani, in aanu qaadin tallabo arrinta cirka kusii shareeraysa.

Amiirka Kuwait, waxaa uu talaadada tegaya Sacuudiga si uu u bilaabo dadaal lagu qaboojinayo xaalada, oo marka danbe ay ka dhalankarto in la wada hadlo waxna la xaliyo.

FIFA:- Ururka kubadda Cagta ee aduunka oo isna ka hadlay arrinta Qadar, waxaa uu sheegay in uu sii joogteyn doono xiriirka uu la leeyahay Qadar.

Hadalka FIFA waxaa uu ku socday Guddiyada ka shaqeynaya diyaarinta waxyaabaha loo baahanyahay Koobka aduunka 2022, oo ay Qadar martigelinayso waxaa uu sheegay ururkan inuusan hada faahfaahin dheeraad ah bixineyn.

Sacuudiga:- waxaa uu muujinaya weli in uu si firfircoon u hogaaminayo xayiraada ku socota Qadar, waxaa u danbeysay oo Sacuudigu xiray Xafiiskii Aljazeera.

Diyaarado ayuu ka baajiyey duulimaadyadii ay ku aadi lahaayeen Qadar, waxaana uu xiray xuduudiisa Qadar.

Marba tallaabo xayiraad ah oo uu qaado Sacuudigu, wadamada kale ee carbeed ee la go’aan ah ayaa iyana uga dayanaya, dhinacooda waxaa mooda xayiraada Qadar in ay ku tartamayaan!

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here