Akhriso:-Madaxweynaha Somali-land oo Xil ka qaadis, Magacaabid iyo Isku bedel Sameeyay

0

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu digreeto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-4828/062017 uu xilka qaadis, magacaabid iyo isku bedel ku sameeyey caawa oo ay taariikhdu tahay 06/05/2017, xubno ka mida xukuumaddiisa.

Madaxweynuhu:

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ee ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta ee Somaliland;

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

.

Magacaabida iyo Isku bedelka Wasiiradda, Wasiir Ku xigeenada iyo Wasiiru-dawlayaasha

1 In Mudane, Mustafe Faarax Abraar, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta ee Somaliland.

2 In Mudane, Xasan Xuseen Nuur Geelle, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka ee  Somaliland.

3 In Mudane, Cabdillaahi Aw Aadan Raabi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga ee  Somaliland.

4 In Mudane, Axmed Cali Baynax, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Duulista Hawada ee Somaliland.

5 In Mudane, Axmed Aadan Ismaaciil (Keyse), uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta eeSomaliland (Bedel hore Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Arrimaha Dibedda)

6 In Mudane, Kaysar Cabdillaahi Maxamed, uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee  Somaliland. (Bedel hore Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta)

7 In Mudane, Axmed Xaashi Cabdi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda ee Somaliland. (Bedel hore Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Madaxtooyada JSL)

8 In Mudane, Cali Axmed Maxamed (Dhegoole), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Madaxtooyada ee  Somaliland. (Bedel hore Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Maaliyada)

9 In Mudane, Cabdiraxmaan Axmed Ismaaciil, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Gaashaandhigga ee  Somaliland. (Bedel hore Wasiiru-dawlihii Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta)

10 In Mudane, Yuusuf Cismaan Garas, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta ee  Somaliland.(Bedel hore Wasiir Ku xigeenkii Wasaaradda Wershadaha)

11 In Mudane, Cabdisalaan Maxamed Xasan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Warshadaha ee  Somaliland. (Bedel hore wasiir ku xigeenkii wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga)

Magacaabida Agaasimeyaasha Guud

1 In Mudane, Jamaal Cabdillaahi Maxamed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga ee  Somaliland.

2 In Mudane, Cabdikariim Xuseen Siciid, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yadda ee  Somaliland.

Magacaabida Hay’addaha Dawladda

1 In Mudane, Xuseen Maxamed Jaamac (Balal), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Ku-xigeenka Garyaqaanka Guud ee Qaranka ee Somaliland.

2 In Mudane, Dayib Aadan Xaaji Cali, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado xubin ka tirsan Guddida Maamul-wanaagga iyo La-dagaallanka Musuq-maasuqa ee JSL.

Magacaabida La-taliye Madaxweyne

1 In Mudane, Maxamed Cumar Cabdi Jire (Xato), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Ciyaaraha.

Magacaabida Wakiilka Somaliland ee Cuman iyo Kuwait

1 In Mudane, Salaan Xasan Cabdulle Warsame, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka  Somaliland u fadhiya dalalka Cumaan iyo Kuwait.

Magacaabida Gudoomiyeyaasha Iyo Kuxigeenadda Gobolada

1 In Mudane, Axmed Diiriye Cabdillaahi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Daad-madheedh ee  Somaliland.(Bedel hore Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Awdal.

2 In Mudane, Cabdi Nuur Sugaal, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Awdal ee  Somaliland.

3 In Mudane, Nuur Qaasim Qodax, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Saraar ee Somaliland.

Ujeeddo: Xilka Qaadis

Mudaneyaal,

Waxaan aad idinka mahadinayaa muddadii aynu wada shaqaynaynay. Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

Sidaa darteed, waxaan gartay in aan idinka qaado xilalkii aad qaranka Somaliland u hayseen.

Haddaba, waxaan idinka rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejisaan xilalkii aad u hayseen qaranka  Somaliland, masuuliyiintaa aan u soo igmaday ee kor ku xusan.

Xilka Qaadis

1 Mudane, Maxamuud Sheekh Cabdillaahi Cige, Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta

2 Mudane, Axmed Nuur Faahiye, Wasiiru-dawlihii Hore ee Wasaaradda Duulista Hawada

3 Mudane, Xasan Daahir Dhimbiil, Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Wasaaradda Caafimaadka

4 Mudane, Farxaan Xasan Cabdi, Guddoomiyihii Hore ee Gobolka Daad-madheedh

5 Mudane, Ibraahim Jaamac Maxamed, Guddoomiye Ku-xigeenkii Hore ee Gobolka Saraar

6 Mudane, Maxamed Cali Aadan, Agaasimihii Hore ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yadda

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here