Akhriso:-Gudoomiye Hore oo Loo Magacaabay Xil Muhiim

0

Sida ay Sheegayaan wararka Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaliya Maxamed Abuukar Islow(Ducaale) ayaa Gudoomiyihii Hore ee Degmada Holwadaag Maxamed Abuukar Cali (Jacfar) u magacaabay Taliyaha Howlgalinta Ciidamada Nabadda Sugida iyo sirdoonka qaranka Soomaliyeed ee (NISA).

Gudoomiyihii Hore ee Degmada Holwadaag Maxamed Abuukar Cali (Jacfar) ayaa shaqada ka badali doona C/raxmaan Xirow  oo ahaa taliyaha Howlgalinta Ciidamada Nabadda Sugida iyo sirdoonka qaranka Soomaliyeed ee (NISA), islamarkaana xalay ku dhawaaqay in uu iska casilay xilka uu ka hayay dowladda.

Maxamed Abuukar Cali (Jacfar) ayaa lasoo Shaqeeyay Maamulka Koonfur galbeed Soomaliya ee Gobolka Shabeelaha isagoona kasoo qeyb qaatay howlgalo lagu fuliyay gobolkaas oo lagula dagaalamyay Xarakada Al-shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here