Weerar Lagu Qaaday Xiradda Ciidamada Kenya ee Deegaanka Kulbiyow

0

Dagaalyahano ka Tirsan Xarakada Al-shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday Xiradda Ciidamada Kenya ay ku leeyihiin deegaanka Kulbiyow ee Gobolka Jubada Hoose.

Al-shabaab ayaa la sheegay in Saldhiga Ciidamada Kenya ay weerareen xiligii afurka dhanka bariga, iyagoona dagaal xoogan  ku wajahay Ciidamada Kenya iyo Ciidanka Maamulka Jubbaland ee deegaankaasi ku sugan.

Ciidamada Kenya iyo kuwa Dowlada Soomaliya ayaa la sheegay in ay iska caabiyeen Ciidamada Xarakada Al-shabaab, qiyaastii 30 daqiiqo ka dib, ayaa la sheegay in Xoogaga Shabaabka ay markale weerar ka soo qaadeen dhanka bariga.

Dhanka kale Sideedii iyo barkii fiidnimo, ayaa waxaa la sheegay in weeraro is qarxin ah Xerada Ciidamada Kenya looga soo qaaday Koonfurta iyo Waqooyiga qaraxyadaasi waxaa gaystay niman la socday gaadiid walxaha qarxa laga soo buuxiyay.

Wixii xilligaasi ka dambeeyay, ayaa waxaa go’day isgaarsiintii ka jirtay Kulbiyow, waxaana ciriiri noqotay xoggaha laga heli karo weerarka Xarakada Al-shabaab ay ku qaadeen Xirada Ciidamada Kenya ay ku leyihiin Deeganka Kulbiyow.

27­kii bishii January ee sanadkaan 2017-ka, ayay ahayd markii Shabaabku ay weerar saf ballaaran ku qabsadeen Xerada Ciidamada Kenya ee Kulbiyow. Shabaabku waxay xilligaa sheegteen in weerarkaasi ay ku dileen ugu yaraan 67 ka mida Ciidamada Kenya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here