Gudoomiyaha Golaha guurtida Maamulka Somaliland Saleeban Maxamuud Aadan oo warbaahinta kula hadlay magaalada hargeysa ee caasimadda maamulkaas ayaa sheegay in deeganada Maamulkas uu ka jiro cudur dad badan ay u dhimaanayaan islamarkaana aysan dhici doonin wax doorasho la yiraahdo.
Saleeban Maxamuud Aadan Gudoomiyaha Golaha guurtida Maamulka Somaliland ayaa sheegay in cudurka la yiraahdo Shuban biyoodka oo dad badan ay u dhinteen in uu ka dilaacay magaalada Burco ee caasiamdda Gobolka Togdheer islamarkaana Somali-land ay aad kaga walaacsan tahay waxa halkaas ka jira.
Sidoo kale Gudoomiyaha Golaha guurtida Maamulka Somaliland ayaa sheegay in gargaar deg deg ah la gaarsiiyay magaalada Burco ee caasiamdda Gobolka Togdheer,dhawaan gargaarka kale la gaarsiin doono halkaas.
“Doorashadii ma dhawa inta ka horeysa waxaan ilaahey ka baryeynaa in uu naga dul qaado dhibaatada, ilaahey cudurka naga dulqaado, hadii aan waxba laga qabanin waxba nagama harayaan sidaas ula socda”, ayuu yiri Gudoomiyaha Golaha guurtida Maamulka Somaliland Saleeban Maxamuud Aadan.

