Akhriso:-Puntland oo Dalacsiinaysa Ciidamo Qabtay Qaraxyo

0

Puntland waxay sheegtay inay dalacsiin doonto saraakiishii qabtay gaarigii qaraxa waday ee Magaalada Boosaaso lagu qabtay , kadib qoraal kasoo baxay shirkii golaha wasiirada ee Puntland

“Madaxweynaha ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray laamaha amniga Puntland guud ahaan, gaar ahaan ciidamada ka howlgala gobolka Bari, oo gacanta ku dhigay qaraxyo waaweyn iyo Al-shabaab-ka  maleegayey dhibateynta shacabka Puntland,sidoo kale  Madaxweynuhu u balan qaaday dalacsiin iyo maamuus sharafeed ciidan in lagu abaal-marin doono iyaga iyo askarigii ku dhintay qaraxii 23-kii May”,ayuu lagu yiri qoraalka Puntland.

Ciidamada amaanka Maamulka Puntland ayaa todobaadkaan gudihiisa gacanta ku dhigay gaari kuwa waa weyn oo lagu soo raray qaraxyo iyo ragii watay.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here