Wasiirka Amniga ee Maamulka Puntland Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) ayaa sheegay in xilka laga qaadayo taliyayaasha iyo saraakiisha Kaantaroolladii uu kasoo gudbey gaarigii qaraxa waday ee lagu qabtay Boosaaso, wuxuu sheegay sidoo kale khudaarta in laga dejinayo gaariga Puntland soo gala lacagta dejintana uu bixinayo Mulkiilaha khudaarta.
Wasiir Qarjab Cabdi Xirsi (Qarjab) wuxuu ku dhawaaqay isbedel laga dareemi doono baraha kaantaroolada deeganada Maamulka Puntland isagoo digniin u diray mulkiilayaasha gaadiidka qarax lagu qabto
“Kaantaroollada uu soo maray baabuurkaasi oo wax lagaga qaban waayey, cidkasta oo hore u joogtay tallaabo cad ayaa laga qaadaya, arrimahaasi oo kale kuli go’aamo laga soo saaraya tallabo ayaa laga qaadaya, mana dhacayso kaantarool qarax lala dhaafay in dadkii hore u joogay ay u sii joogaan hadii ilaahay idinka ka dhigo dib u dhici mayso”,
“Taliyayaasha ciidamada iyo taliyayaasha qaybaha waxaanu hadaba ku wargelinaynaa oo aanu leenahay cidkasta oo Kaantarool qaraxaasi soo maray cidii joogtay, waa in xilka laga qaado kaantaroolkana laga bedelo oo dad kale loo bedelo , amar baanu ku bixinay”,ayuu yiri Wasiirka Amniga ee Maamulka Puntland Cabdi Xirsi (Qarjab)
Sidoo kale Wasiirka Amniga ee Maamulka Puntland Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) waxaa kale oo uu sheegay in khudaarta gaadiidka wada markay Puntland soo galaan, dhamaan khudaarta laga dejinayo oo la baarayo, kharashka lagu dejinayo khudaartana uu la baxayo qofka khudaarta leh.

