Kooxo Hubeysan ayaa xiligii Salaada Maqrib waxa ay ku dhaawaceen Xaafadda Faluuja ee Woqooyiga Magaalada gaalkacyo ee Gobolka Mudug sarkaal ka tirsan ciidanka Puntland oo lagu magacaabo Xaaji Cariish.
Goob-joogayaal ayaa xaqiijiyay in Ragga dhaawaca Geystay ay dhowr xabadood ku dhufteen Sarkaalka islamarkaana dadkii goobta ku sugnaa ay ku kala eryeen Bambo Gacmeed kadibna ay goobta ka baxsadeen.
Ciidamda amaanka Maamulka Puntland ayaa gaaray goobta uu falka ka dhacay waxaa caawa Xaafadda Faluuja ee Woqooyiga Magaalada gaalkacyo ee Gobolka Mudug ka socda howlgal lagu baadi-goobayo Ragii ka dambeeyay falka.

