Laamaha Amniga oo Fashiliyay Qorshayaal ay Damacsanaayeen Al-shabaab

0

Taliyaha Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka qaranka Soomaliyeed ee NISA Mudane C/laahi Sanbaloolshe ayaa sheegay in Laamaha amniga dalka ay fashileen qorshayaal ay damacsanaayeen dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab oo la doonayay in laga fuliyo Magaalada muqdisho.

C/laahi Sanbaloolshe ayaa sheegay in ciidamada amnigu ka sameeyeen Caasimadda inta lagu guda jirey bishan Ramadan howlgalo qorshaysan, wuxuna tilmaamay in la fashiliyey lana fuliyey qorshe-yaal badan oo lagaga hortagaayo falalka amniga lidiga ku ah.

“Ciidamada amnigu dalka gaar ahaan Ciidamada Xaslinta caasimadda waxa ay  ka sameeyeen Caasimadda inta lagu guda jirey bishan Ramadan, howlgalo qorshaysan waxaa la fashiliyey lana fuliyey qorshe-yaal badan oo lagaga hortagaayo falalka amniga lidiga ku ah”, ayuu yiri Taliye C/laahi Sanbaloolshe.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here