Akhriso:-Xil Ka Qaadis Lagu Sameeyay Guddoomiyaasha Degmooyinka Mahaday iyo Cadale

0

Wareegto kasoo baxday Wasiirka Arrimaha Gudaha maamulka hir-shabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa xilalkii loogu qaaday guddoomiyaasha degmooyinka Mahaday iyo Cadale iyadoo guddoomiyaal cusubna uu magacaabay.

Guddoomiyihii hore ee degmada Mahaday Axmed Xuseen Afrax ayaa lagu bedelay guddoomiye Cabdulaahi Maxamed Xuseen(Geeldoox) halka guddoomiyihii hore ee degmada Cadale Muxidiin Suudi Macalin lagu bedelay Muuse Maxamed Axmed (Kali).

Sidoo kale Wareegtadan kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha Hir-shabeellle  ayaa waxaa  xilalka looga qaaday dhamaam maamulkii degmada Cadale waxaana loo magacaabay;-

Xuseen Muxidiin Cabdulle Guddoomiye ku xigeenka arrimaha Amniga iyo Siyaasada,Cali Cabdulle Caddow guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyada. Muqtaar Maxamuud Axmed guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada iyadoo sidoo kale Xoghayaha Dowlada Hoose loo magacaabay Cabdi Xasan Maxamuud.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here