ilo xog ogaal ah oo la hadlay idaacadda Simba ayaa xaqiijiyay in qaar kamid ah Gudoomiyayaashii Degmooyinka Gobolka Banaadir ee dhawaan xilalka laga qaaday in ay wasiiro ka noqon doonaan Maamul Goboleedka Galmudug oo dhawaan yeelan doono Wasiiro cusub, Xil xilka madaxweynaha maamulkaas loo doortay Mudane Axmed Ducaale Geelle (Xaaf).
Gudoomiyayayaashii Xilalka Laga qaaday ee Boondheere Qaasim Cabdullahi Xasan, Warta-nabada Yaasiin Nuur Ciise, Deyniile Axmed Nuur Cabdi Siyaad Holwadaag, Xamar Jajab Axmed Cusmaan Dhoore, Waabari Maxamed Muumin Maxamed, Hodan C/Qaadir Cali Kulane ayaa la xaqiijiyay in ay wadan olale ku aadan in xilal wasiiro ay ka helaan Maamul Galmudug oo dhawaan yeelan doono Golle wasiiro, iyo ku-xigeeno, sida uu xaqiijiyay Madaxweyne Maamulkaas.
Sidoo kale waxaa la xaqiijiyay in Gudoomiyihii Hore ee Degmada Wadajir Axmed Cabdule Afrax uu haatan olale ugu jiro sidii xil wasiir uu kaga heli lahaa Maamulka koonfur Galbeed Soomaliya, madaama beesha uu ka dhashay ay degto deeganada Dowladd Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaliya.
Gudoomiyihii Degmada Shangaani ee xilka laga qaaday ayaa isana rajo weyn ka leh in uu Shaqo ka helo Maamulka gobolka banaadir ee Dowladda Soomaliya, madaama uu muddo la soo shaqeynayay.
Sidoo kale Gudoomiyihii Degmada Shibis ayaa isana xil wasiiro la rumeysan in uu ka heli doono maamulka Hir-shabeelle oo kamid ah Maamulada dalka xiligaan ka jira.

