Wasiirka Dastuurka ee Xukuumadda Soomaliya ayaa cadaalad daro ku tilmaamay Warqada kasoo baxday Xafiiska Xeer ilaalinta qaranka Soomaliya ee lagu dalbanayo in Cumar Faaruuq oo sheegta in uu yahay Gudoomiyaha Ururka NUSOJ in uu tago xafiiska Xeer ilaalinta si wax loogu weydiiyo qodobo lagu soo eedeeyay.
Abdi Xoosh Jibriil Wasiirka Dastuurka ee Xukuumadda Soomaliya ayaa sheegay in Dastuurka Soomaliya uu dhigayo in Muwaadinka Soomaliyeed uu shir qabsan karo isagoo aan fasax weydiisaneenin, islamarkaana ay qalad tahay warqada kasoo baxday Xafiiska Xeer ilaalinta qaranka Soomaliya.
“Bal arrintaan iga eega. qof baa lagu eedeynayaa inuu shir qabtay amar la’aan iyadoo eey ku caddahay Dastuurka dalka in muwaadiniiinta ay shir qabsan karaan, unana baahneen fasax dowladeed. Bal arka Dastuurka qodobadiisa 16aad, 20aad,, 23aad, 24aad siiba farqadiisa 2baad oo kullii kasoo horjeedo waxa dacwaddaan ku Qoran . Ma dowlad wanaag baan rabnaa, mise fowda iyo Musuq. Sharciga halloo hoggaansamo!!!!!!!”, ayuu yiri Abdi Xoosh Jibriil.
Arintaan ayaa kusoo beegmaysa xili Xalay warqad kasoo baxsaday xafiiska Xeer ilaalinta qaranka Soomaliya loogu dalbada Cumar fuuruuq in uu maanta arbaco ah tago xafiiska si su’aalo loogu weydiiyo dacwado loo Heysto.


