Somali-land oo Mowqif Adag Iska Taagtay Muranka Hawada+Dhageyso

0

Maamulka Somali-land ayaa mawqif adag ka istaagtay arinkii muraka hawada diyaaradaha ee kala dhexeeyay Dowladda federaalka Somaliya.

Farxan aadan Haybe wasiir Wasaaradda Duulista hawada maamulka Somali-land oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Somali-land aysan dhiibi doonin maamulka hawada Soomaliya, islamarkaana Somali-land ay tahay dal gaar ah oo  maamulan kara hawadiisa.

“Mowqifka hawada diyaaradaha ee nagala dhexeeya Dowladda Federaalka Somaliya waa mid cad, Somali-land marnaba ma wareejin doonto Maamulka Hawada, inkastoo Somali-land aysan haysanin aqoonsi balse awood ayay u leedahay in ay si gaar ah u maamulato Hawadeeda”, ayuu yiri Farxan aadan Haybe.

Tan iyo markii ay dhacday Dowadii Dhexe ee Soomaliya, Somali-land ayaa gooni u maamulaynaysay Hawadeeda, waxana jirey wada-hadalo furmay dhowr jeer balse aan natiijo aan laga gaarin.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here