Howlgal Lagu Soo Qabtay Dadka Masoomayaal ah+Sawirro

0

Ciidamada amaanka maamulka puntland ayaa howlgal lagu qab-qabanayo dadka Masoomayaasha waxay ka bilaabeen  magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Duqa Degmada Gaalkacyo ee Maamul Goboleedka Puntland Yaasimn Tumey oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in howlgalkii ugu horeeyay ay Ciidamada amaanka sameyeen lagu soo qabtay 15-dhalinyaro ah oo  Masoomayaal ah oo isticmaalayay waxyaabaha maanka dooriya iyo Cunooyin, islamarkaana ay haatan ku xiran Saldhiga Magaaladaas.

Sidoo kale Duqa Degmada Gaalkacyo ee Maamul Goboleedka Puntland Yaasimn tumey ayaa tilmaamay in la sii joogteen doono howlgalada lagu dagaalamayo dadka masoomayasha ah ee ku nool Magaalada Gaalkacyo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here