Galgala:-“Haweeney Uur Laheyd iyo Seygeeda oo Qarax Ku Dhintay”,

0
????????????????????????????????????

Haweeney uur laheyd iyo seygeeda ayaa ku dhintay toga Balikhadar oo u dhow deegaanka Galgala ee gobolka Bari, shalay gelinkii dambe, kadib markii gaari ay la socdeen uu dul marey miino dhulka dhinaceeda lagu aasay, sida ay saraakiil sheegeen.

Saraakiil ka tirsan ciidamada maamulka Puntland, ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay, in qaraxaasi uu dhacay abbaaro 5 30-kii gelinkii dambe ee shalay, ka hor xilliga afurka, waxana baabuurka qarxay uu ku socday buuraha Galgala.

Ma cadda haddii bartilmaameedku uu ahaa dadka la weeraray, oo sida la sheegey aanay hubeysanayeen.

Deegaannada u dhow dhow buuraha Galgala, waxa tiro dhowr jeer ku dagaallamay ciidamada maamulka Puntland iyo Ciidamo ka Tirsan Al-Shabaab, iyadoo qaarkoodna ay hore u sheegeen inay ku biireeen kooxda ISIS.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here