Diyaarado Maanta ka degi lahaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ee aadan Cadde ayaa dib loo celiyay inta la dhameynayay howsha shilkii diyaaradeed, waxay diyaaradahaasi si ku meel gaar ah usii fariisteen garoomada Diyaaradaa magaalooyinka Wajeer, Baydhabo ,Galkacayo iyo Hargeysa.
Agaasimaha Hay’adda duuliska iyo saadaasha hawada Cali Axmed Macallin, oo la hadlay warbaahinta Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in diyaaradahaasi badi ay caawa iman doonaan,islamarkaana la xaliyay diyaaradii maanta kusoo dhacday garoonka.
Waxay noqonaysa markii kowaad ee diyaarado habeen kasoo dagaan Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho, tan iyo markii la howlgeliyay nalalka ifiya dhabada diyaaraduhu ku ordaan.
Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya Waxaa maanta ku burburtay diyaarad ay laheyd shirkadda Bancroft ee qaabilsan howlaha la talinta Amniga iyo tababarada Ciidamada AMISOM.
Shirkadda Bancroft oo ah shirkad laga leeyahay Mareykanka ayaa Ciidamada AMISOM ka taageerta dhinacyada tababarka, la talinta amniga, iyadoo shirkaddan ay leedahay eeyaha u tababaran urinta waxyaabaha qarxa ee ka qeyb qaata howlaha sugida amniga garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo Xerada Xalane.

