War kasoo baxay Booliska Dalka Sweden ayaa waxaa loogu digay dadka dalkaas ku nool in ay ka jawaabaan ama ay qabtaan Taleefannada dibadda dalkaasi ah ee wata furaha 252 kaddib markii la sheegay in taleefannadaas lagu dhaco lacagaha ku jira taleefoonada ay dadka wataan.
26-kii iyo -27kii bishaan May ayey Booliska dalka Sweden ay sheegeen in Taleefannada dibadda ah ee wata furaha 252 lagu dhacay dadbadan,kuwo kalena lagu bartilmaameedsaday, islamarkaana dadka badan oo dalkaas u dhashay ay dacwado ay u gudbiyeen laamaha amaanka dalkaas.
Sidoo kale Booliska dalka Sweden ayaa sheegay in in Taleefoonada wata fura 252 in dadka dalkaas laga Waco saqda dhexe ee Habeenkii marka ay dib ugu celiyaanna uu ka jawaabo Mishiin iyo music isla socda kaddibna ay ku socoto xawaare dheereeya oo lacag jarasho ah, dad badana ay arintaas ku dhacday dhowrkii maalin aynu soo dhafnay.
Telia waxa ay kamid tahay Shirkadaha Taleefannada dalka Sweden,waxayna Macaamiisheeda ugu digtay in ay dib ugu celiyaan Taleefannada aan la qoon ee dibadda ka soo gala islamarkaana wata furaha 252,oo ay sheegtay in dadka lagu dhaco.
Dadka ku nool dalka Sweden ayaa dhorkii sanno aynu soo dhaafnay aad u isticmalayay App-ka lagu magacaabo True Caller ee lagu shubto Taleefannada,kaas oo ah Application,muddo kooban ka warbixinaya Numbarka ku soo wacay,cidda wadata iyo halka uu joogo.
Lindsey LaMont oo ka tirsan Shirka Truecaller ayaa warbaahinta gudaha dalka Sweden u sheegay in ay heleen wicintaano badan oo cabasho ah,wuxuuna intaas ku daray in in kabadan 10,00 Farriimo iyo wicitaanno aan saxneyn maalinle loo sameeyo.kuwaas oo farriinta dib ii soowac ku reebaya Taleefanka kaddibna marka aad wacdo ay adkaato in aad ka laabato

