Madaxweynaha Maamulka jubba-land Axmed Maxamed Islaam(Axmed Madoobe) ayaa ugu baaqay madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi maxamed(Farmaajo) in uusan kaliyah ku ekaanin Magalada Muqdisho, islamarkaana uu safar ku kala bixiyo xarumaha maamul goboleedyadda dalka ka jira.
“Madaxweyne Farmaajo, Anagu waxaan niraahnaa madaxweynuhu waxaa uu arkaa Xamar oo keliya, wixii ay arkaan ciidamada ay arkaan ,dadka ay arkaan waa wixii xamar jooga oo keliya Waxaan anaguna oranaynaa Madaxewynuhu ha badiyo safarada maamulada , oo meelkasta ha tagaan, magaalooyinka ha laga dhiso guryo dowladda Federaalku leedahay oo ay tagto, oo wasiiradu ku shiraan oo marmar shaqada lagu qabto”,
