Madaxweynaha Galmudug State Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa ka dalbaday Dowladda federaalka Soomaliya in ay ka shaqeyso sidii xabsiyadda dalka Hindiya loogu sii deyn lahaa dhalinyarao halkaas ku xiran.
“Dowladda Soomaliya hanaga caawiso dhismayaasha iyo horumarinta sida xabsiyada , hada xabsiyo ma jiraan aan dad ku xirno , hadii aan amni iyo xabsi iyo booliis u helin waxba kama qaban karno , burcad badeed iyo alshabaabna waa noo joogaan xalay waxaa isoo wacay dhallinyaro Soomaaliyeed oo 118 ah oo Hindiya ku xiran, 8sano ayeey xiranyihin, fariintaasi waa idin sheegay wax ha laga qabto, aniguna diyaarada lagu soo qaadayo ayaan bixinaya “, ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug State Axmed Ducaale Geelle (Xaaf).
Sidoo kale Madaxweynaha Galmudug State Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) in Galmudug in ka shaqeyn doonto sidii wada-hadal ay ula furi laheyd Maamulka Ahlu suna waljamaaca wuxuuna ilaahey uu ka baryayay in ay guul kusoo dhamaaday howlaha dib u heshiisiinta.

