Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi maxamed Farmaajo ayaa ugu baaqay Madaxweynayasha Maamulada Galmudug iyo Puntland in ay ka shaqeeyaan nabada magaalada Gaalkacyo ee Caasimadda Gobolka Mudug.
“Madaxweyne Xaaf iyo Gaas oo odayaal ah waxaan kula dardaarmaya inay ka shaqeeyaan magaalada Galkacayo , weliba iyaga nabadeynta nooga horeyaa inay isu faraan magalaadaasi, hadii aad aragto magaalo kaal xiran waa siyaasiyiinta”,
“Anaguna waxaan u fududeynaya in howshaasi u hirgasho iyaga , waxaan xasuusta markii Galkacayo dagaalku ka dhacay, anoo Ra’isalwasaare ah wasiirkii aan u diray wuxuu ahaa wasiir cabdiweli oo ra’isalwasaare ku xigeena ahaa, markiiba waa xaliyeen, hadana isagii baa ah madaxweyne , nin oday ah oo oday dhaqemeed ahna (Xaaf) halkan wa i agtaaganyahay , waxaan rajeyna shaqadii 2011-kii aan bilownay in la dhameystiro.”,ayuu Yiri Madaxweyne Farmaajo.

