Puntland oo Qabatay Qamri Nuuca Loo Yaqaano Caraqda+Sawirro

0

Ciidamada Amaanka  Gobolka Nugaal ee Maamulka Puntland ayaa gacanta ku dhigay Qamri nuuca loo yaqaano Caraqda ee dalka lagu farsameeyo iyo 6 nin iyo qof dumar ah oo Qamrigaan karinayay.

Qarmiga ay soo qabteen Ciidamada amaanka Maamulka puntland ayaa la sheegay in uu yahay midkii ugu horeeyay ee lagu arko magaalada Garoowe ee Caasimadda maamul Goboleedka Puntland.

Ugu horeyntii Taliyaha saldhiga dhexe ee Garowe Dhamme Maxamuud Muuse Bille Xuseen (Fardafuul) ayaa sheegay inay maandooriyahaan kusoo qabteen howlgal ciidanku ay ka fuliyeen xaafado kamid ah Garowe oo Qamrigaan lagu karinayay, kadib xog ay heleen.

Dhanka kale Taliye ku xigeenka ciidanka booliska gobolka Nugaal gaanshaanle dhexe Ibraahim Maxamed Cabdi ayaa uga digay cid walba oo gacmaha kula jirta fal caynkaan oo kale ah inay tilaab adag ka qaadidoonaan, wuxuuna shacabka ugu baaqay inay ciidanka kusoo wargeliyaan waxyaabaha halista ku ah bulshada sida Qamrigaan oo kale.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here