“Shaqsiyaad Dhiiragaliya Ma Soomayaasha oo Digniino Loo Direy”+Dhageyso

0

Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya ayaa digniino u dirtay dad ay sheegtay inay dhiirrigalinayaan dadka Ma Soomayasha ah.

Xoghayaha joogtada ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya Maxamed aadan Qeylow oo la hadlay idaacadda Simba ayaa sheegay in ay jiraan dad dhiiri galiya Masoomayaasha, islamarkaana cidii lagu ogaado arintaas  Talaabo ay Wasaaraddda  ka qaadi doonto.

“Talaabo ayaa laga qaadi doonaa shaqsiyaad caadeystay inay dhiirrigaliyaan dadka Ma Soomayasha ah, Dowladda way la socotaa dadkaas, hadii lagu helo maxkamadd ayaa lala tiigsan doonaa”, ayuu yiri Qeylow.

Arintaan ayaa kusoo beegmaysa xili ay jiraan dad furto goobo laga cunteeyo xiliyadda Bisha Ramadaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here