Ciidanka Xoogga dalka Soomaliyeed oo kaashanaya kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa Al-Shabaab ka saaray deegaanka Goof-Gaduud Shabeelow iyo deegaano hoos yimaado magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaliya oo la Hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in howlgal ay sameeyeen Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed oo kaashanaya kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ay usuurta galisay in Al-shabaab laga saaro deegaanka Goof-Gaduud Shabeelow iyo deegaano hoos yimaado magaalada Baydhabo, islamarkaana haatan ay xaaladda tahay mid aa u wanaagsan.
Shabaab-kii ku sugnaa saaray deegaanka Goof-Gaduud Shabeelow iyo deegaano hoos yimaado magaalada Baydhabo ayaa la sheegay in ay gaareen deegaano kale, islamarkaan waqti walba dagaal laga cabsi qabo.

