Waxaa caawa lagu arkay Magaalooyinka badan oo ku yaala Gobolada dalka Soomaliya bisha Ramadaan,islamarkaana waxaa la isku raacay in maalinta bari ay tahay maalinta kowaad ee bisha Ramadaan.
Magaalooyinka Gaalkacyo,Garoowe,Baardheere,Marka iyo Magaalooyin kale ayaa lagu arkay bisha, islamarkaana shacabka halkaas ku sugan aynu la xiriirnay waxay inoo xaqiijiyeen in bisha la arkay islamarkaana bari ay tahay maalinta kowaad ee bisha ramadaan.
Idaacadda Simba waxay guud ahaan umadda muslimiinta ah ugu hambalyaynaysaa curashada bisha barakaysan ee Ramadaan.
Waxaanu si khaas ah hambalyo ugu diraynaa ummada soomaaliyeed iyo gaar ahaan akhrsitayaasha Simbanews.net/.com, sanadkaan sanadkii bash-bash iyo barwaaqo.

