Madaxweyne Xaaf oo Dib Ugu Laabtay Magaalada Cadaado+Sawirro

0

Wafdi uu Hogaaminyo madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdi Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa galabta dib ugu laabtay magaalada Cadaado ee Caasimadda KMG ah ee Maamulkaas.

Garoonka Diyaradaha Magaalada Cadaado waxaa wafdifa Madaxweynaha kusoo dhaweyey gudoomiye ku xigeenka 2-aad Barlamaanka Galmudug iyo masuuliyiin kale, Madaxweynaha ayaa salaan ka qaatay cutub ka tirsan ciidamada Booliska.

Mr. Xaaf oo saxaafada kula hadlay gudaha garoonka ayaa ugu baaqay bulshada Galmudug gaar ahaan kuwa Cadaado in ay ka qeyb qaataan sugidda ammaanka in lagu guda jiro caleemasaarka Madaxweynaha.

Wafdiga Madaxweyne Xaaf ayaa loo galbiyey xarunta Madaxtooyada.

Axmed Ducaale ayaa 21 maalmood ku maqnaa safar, waxaana 7 maalmood ka harsan tahay mudada magacaabista golaha wasiirada Galmudug, 29 bishan ayaa la filayaa inuu dhaco caleemasaarka Madaxweynaha Galmudug.

Magaalada ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Galmudug ayaa si weyn loogu dareemayaa qaban-qaabada Caleema-saarka madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdi Ducaale Geelle (Xaaf).

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here