Osoble:-“Gogol Lagu Dhisayo Maamul Goboleed uu Yeesho Banaadir ayaan Dhigi Doonaa”,

0

Madaxweynaha Maamulka Hir-shabeelle Cali C/laahi Osoble  ayaa Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka  Kenya kaga qeyb galay xafladda Lagu soo dhaweynayay  Maamulkiisa.

Waxaa ka qeybgalay xafladda soo dhaweynta xildhbaano iyo Senetarro ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaliya oo ay ka mid ahaayeen Senetor Muuse Suudi iyo xildhibaannada kala ah Khaliif Cabdi Cumar, Cabdisataar Shekh Xasan Barsame, Maxamed Xasan Qoone, Xildhibaan C/qaadir Carabow iyo Cabdixakiin Macallin Axmed.

Xildhbaanada iyo Senetarro ka tirsan Baarlamanka Soomaliya ayaa  oo xafladda ka hadlay ayaa sheegay inay muqadas tahay in maqaamka Gobolka Banaadir.

Dhanka kale  Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa kaga mahadceliyay dadweynihii iyo mas’uuliyiinta soo dhaweynta u sameeyay wuxuuna  ku dhawaaqay inuu dhigi doono gogol lagu dhisayo maamul uu yeesho Gobolka Banaadir, taasoo qeyb ka ah matalaada siyaasadeed ee uu Gobolka Banaadir ku yeelanayo dalka.

“Waxaa halkaan idin ka cadeynayaa inaan dhigi doono gogol lagu dhisayo Maamul goboleed uu yeesho Gobolka Banaadir, waxayna gogoshaas taalaa Balcad, bisha Ramadaan kaddib ayaa qabaneynaa”ayuu yiri Madaxweyne Cosoble oo dhowaan si adag uga hadlay maqaamka Gobolka Banaadir iyo cida xaqa u leh Gobolka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here