Daacish oo Sheegatay Mas’uuliyadda Qaraxa Ka Dhacay Boosaaso

0

Ururka Daacish ayaa sheegtay Mas’uuliyadda weerar ismiidaamin ahaa oo xalay ka dhacay bar Kontorool oo ku taala bartamaha Magaalada boosaaso ee Gobolka Bari.

War qoraal ah oo ay soo dhigeen bartooda Amaq ayay ku sheegeen in weerarka uu fuliyay dagaalyahan ka tirsan Ururka Daacish islamarkaana lagu dilay askari badan oo ka tirsan Ciidamada amaanka maamulka Puntland ee kontoroolka ku sugnaa.

Dhanka kale Maamulka Puntland oo ka hadlay qaraxa ayaa sheegay in dhimasho ay tahay  5 Qof oo 4 Shacab Tahay, 1 Askari iyo Ninki Ismiidaamiyay, Waxeyna Tirada Guud isku noqonaysaa 5 Ruux.

Barkhad Bulshaale, waa askariga dhintay isagoo badbaadinaya dad badan oo reer Boosaaso ah, wuxuu diiday in qofka is qarxinayey sida Puntland ay sheegtay in uu gaaro bartilmaameedkiisa,kadibna ninkii wuu is qarxiyay marku dareemay in Barkhad uusa dhaafi kareyn, sidaasi ayaa barkhad iyo dhallinyaro aaga ka dhoweyd ay ugu dhinteen qaraxii.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here