Madaxweynaha Maamulka Khaatumo State Cali Khaliif Galeyr oo warbaahinta la hadlay ayaa caalamka ku aamanay sida ay u doonayaan in la badiyo wada-hadalada la iskugu soo dhaweynayo Soomalida kala fogaatay.
“Shirkaa london waa maqleyseen aduunweynuhu mida uu usoo jeedo waxaa weeye Wada-hadalada Soomaaliya, Nabada wax ka qabaneynaa iyo dowladda Federaalka Soomaliya gacansiinaynaa, Laakiin meesha nabada ka dhici karto waxa weeye kala go’a koonfur iyo waqooyi Soomaliya sidii lagu daaweyn lahaa”,
Sidoo kale Madaxweynaha Maamulka Khaatumo State Cali Khaliif Galeyr ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in Khaatumo State aysan awood badan ku laheyn Maamulada dalka ka jira islamarkaana aan laga qeyb galinin wada-hadalka u dhaxeeya Somali-land iyo Dowladda Dhexe ee Federaalka Soomaliya.
“Kaligeena meel isma taagi karno,xamarna waxba kama nihin,Somali-land waxba kama nihin, Puntland-na warkeeda daa,arinta soo korortay ayaa ah in la kordhinayo Baarlamaanka Maamulka Puntland, ma anagaa nagala tashaday kordhinta”,ayuu yiri Madaxweynaha Maamulka Khaatumo State Cali Khaliif Galeyr.

