Gaas:-“Ma Aqbalayno in Shacabkeena ay Gacmaha u Hoorsadaan WFP”,+Dhageyso            

0

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in aysan marnaba doonaynin in dadkii Puntland ee abaaraha xoolahoodii ku waayay ay noqdaan barakacayaal gacmaha u hoorsada raashinka ay bixiyo Hay’adda WFP ee Qaramada Midoobay.

Madaxweynaha oo ka duulaya isku tashiga Puntland iyo shacabkeeda wuxuu sheegay inay dhaqaale u raadinayaan sidii dadkaas dib xoolo loogu iibin lahaa, si ay ugu laabtaan nolashoodii caadiga ahayd ee miyiga.

Sidoo kale Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa sheegay inay dib u celin u sameynayaan dadkii Puntland ugasoo hayaamay dhulkooda, kuwaas oo soo maciin biday roobabkii yaraa ee dabayaaqadii sanadkii hore ka da’ay gobolada Bari iyo Karkaar, dadkaas oo isaga kala yimid maamulada Soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here