Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa shacabka Soomaliyeed ugu baaqay in ay ka fogaadaan waxa la yiraahdo Qabiilka.
“Waxaad ogaataan qofka qabiilka isticmaala ha laga fogaado, waa ogtihiin hadii uu qabiil micno leeyahay waxaan noqon lahayn dal qani ah, war ilaah baan idinku dhaarshee ma’aragteen qabiil intuu isku tegay ardey jaamacad ka saaraya, ma aragteen odey leh ardey baan iskuul ka saaraya ma arkeysid,Qabiil waxba mahan , waa in aan u guurno Soomaalinimo oo ka guurno qabiilka, hadii dhallinyaro idinka yaryar wakhtigaasi adag halgan sameeyeen , maxaa iminka sugeysaan dhallinyaro”,
“Anaga idiin joogno oo idin taageerayno , wadanka inaad hanataan mustaqbalka maahan ee maanta, awoodiinu waa awoodeyda, markaan tegay Kenya madaxweynaha Uhuru Kenyatta kala heshiinaynay isu socodka diyaaradaha waxa uu arkay waa soodhoweyntiina iyo taageeradiina”, ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

