Siyaasiga Cabdullaahi Sheekh Xasan ahna Wasiirka Ganacsiga Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya oo la hadlay idaacadda simba ee Magaalada Muqdisho ayaa tala u diray Xildhibaanada kudlada la sheegay inay kaga dhawaaqeen magaalada Nairobi ee Caasiamadda dalka Kenya.
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya ayaa nasiib darro ku tilmaamay in waxyaabaha masiiriga u ah ummadda Soomaaliyeed looga hadlo meel ka baxsan dalka.
“Xildhibaanada Baarlamanka Soomaliya xaq bay u leeyihiin in ay sameystaan xisbi ay ku mideysan yihiin oo talooyinkooda ay kusoo bandhigaan,balse waa nasiib daro in waxyaabaha masiiriga u ah ummadda Soomaaliyeed looga hadlo meel ka baxsan dalka,Xukuumadda ayagaa soo doortay Xildhibaanada iyagaana Kalsoonida kala laaban kara, balse ma ahan in masiirka umadda soomaliyeed loogu hadlo dalka dibadiisa”,ayuu yiri Siyaasiga Cabdullaahi Sheekh Xasan.
Hadalka Siyaasiga Cabdullaahi Sheekh Xasan ahna Wasiirka Ganacsiga Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya ayaa kusoo beegmaya xili Magalada Nairobi loogu dhawaaqy kuntlad ay ku mideysan yihiin xildhibano ka Tirsan labada aqalka ee Baarlamanka Soomaliya.

