Wasaaradda Caddaaladda iyo Garsoorka Xukuumadda Federaalka Soomaliya ayaa qirtay in Musuq-maasuq iyo laaluush qaadasho lagu sameeyo kiisaska ka dhaca Maxkamadaha dalka.
Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji oo shalay muqdisho kaga qeyb galay kulan loogu hadlayay tayeynta Garsoorka dalka ayaa sheegay in Musuq-maasuq iyo laaluush qaadasho lagu sameeyo kiisaska ka dhaca Maxkamadaha dalka.
“Waxaa jiro wada-hadal dhexmara qareenada iyo Garsoorayaasha ay arkayaan dadka lagu soo eedeeyay dambiyada inta aysan maxkamadda imaanin ay heshiiyaan, taasi hadey dhacdo qaadiga Maxkamadda ma gaari karo go’aan, garsoorka waxaa loogu baahan yahay in uu ku shaqeeyo si cadaalad ah”, ayuu yiri Wasaaradda Caddaaladda iyo Garsoorka.
Hadalka Wasaaradda Caddaaladda iyo Garsoorka Xukuumadda Federaalka Soomaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa kusoo beegmaya xili shacabka Soomaliyeed ay cabasho ka muujiyaan Maxkamadaha dalka oo ay aaminsan yihiin in ay ku shaqeeyaan Laaluush. Iyo Musuq-maasuq.

