Taliyaha Saldhigga degmada Dharkinleey ee Gobolka Banaadir ayaa lagu eedeeyey inuu barakicin ku bilaabay Qaxootiga Ku nool Kaam Badbaado oo ku yaalla Gudaha degmadaasi.
Qaar kamid ah dadka ku nool Kaam Badbaado oo ku yaalla Gudaha degmada Dharkinley oo lasoo xiriiray idaacadda Simba ayaa sheegay in taliyaha uu saacad walba ugu caga jugleeyo in laga guurin doono kaamka islmarkaana aysan haysanin dhakooda meel ay u guuraan.
Sheekh Axmed oo kamid ah dadka Barakacayaasha ah oo mudada badan ku noolaa Kaam Badbaado oo ku yaalla Gudaha degmada Degmada Dharkinley ayaa sheegay in taliyaha Saldhiga uu haatan wado qorshihiii ugu dambeeyay ee dadka dhibaataysan loogu barakicinayo kaamkaas.

