5tii May 2017 ayey Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ay dileen Hoggaamiyahii Al-Shabaab Maclain Cismaan Cabdi Badil iyo seddex al-shabaab ka Tirsan. Dhimashada hoggaamiyaha waxey wiiqeysaa awooda Al-shabaab ah ee ka howlgasha Shabeelaha Hoose, tasoo ah guul weyn oo u soo hoyatay ciidanka iyo nabadeynta gobolkaas.
Howlgalkan ciidanka waa mid dib loogu xoojinayo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab iyo cabsida joogtada ah ee Al-shaabab ay ku cabsigeliyaan shacabka Soomaaliyeed.
Al-Shabaab waxaa u furan fursad in ay kasoo baxaan bacdamaa ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed iyagoo kaashanaya saaxiibada Soomaaliya waxey xoojinayaan dagaalka lagula Jiro Al-shabaab. Dhalinyaro fara badan ayaa Dowladda ku soo biiray ee inta ay goori goor tahay fadlan ka soo carar al-shabaab sidaas waxaa yiri wasiirka Warfaafinta Soomaliya Enjineer C/raxman yariisow oo qoraalkaan ku xaqiijiyay in Dowladda Soomaliya ay dishay Hogaamiyihii Al-shaabab ee Gobolka Shabeelaha Hoose Cismaan Cabdi Badil.

