Raisalwasaaraha Itoobiya Hailemariam Dessalegn, ayaa beeniyay inay dawladiisu aqoonsanayso qaddiyadda madaxbanaanida, waxaanu hadalkan ka sheegay shirjaraa’id oo ay wada qabteen madaxweynahaSomaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, khamiistii.
Sida uu qoray wargeyska The Reporter, ee ka soo baxa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya,Raisalwasaaruhu wuxuu hoosta ka xariiqay, in dawladdiisu ay xushmaynayso “Midnimada jamhuuriyadda Soomaaliya.”,
waxaanu hadalkan ka yidhi ka dib markii uu su’aal ku saabsan xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya uu raysalwasaaraha weydiiyay weriye la socday weftiga Madaxweynaha Somaliya, waxaanu Raysalwasaaruhu meesha ka saaray in uu jiro ku talogal ah ay dawladdiisu ku aqoonsanayso Somaliland.
Raisalwasaaraha Itoobiya, wuxuu yidhi “Itoobiya, weligeedbaxidhiidh rasmi ah lama yeelan Somaliland. Xidhiidhka aanu la samaynaynaa waxa uu mar kastaba ahaa mid ogolaanshiyihiisa aanu ka qaadanno dawladda Federaalka ah ee Magaalada Muqdisho.” ayuu yidhi Mr. Hailemariam Dessalegn.
Waxa kale oo uu raysalwasaaraha Itoobiya sheegay in Itoobiya diyaar u tahay inay taageerto Somaliya si ay uguguulaysato sugidda ammaanka, iyadoo Itobiya ka mid ah ciidamada AMISOM ee Midowga Afrika ka socda.
Farmaajo ayaa qodobada ugu muhiimsan ee uu la tagay Addis Ababa waxa ugu weynaa xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya oo ah mid dhinacyo badan, kaas oo uu doonayo inuu ugu yaraan wiiqo, mana jiro wax war ah oo ay dawladda Somaliland ka soo saartay daandaansiga diblomaasiyadeed ee Mr. Farmaajo.
Source:‐Wargeyska Geeska Afrika

