Magaalada Boosaaso waxaa kusoo xirtay saxiimado sida ciidamada dalka Shiinaha waxayna ku wareejiyen mas’uuuliyiinta Maamulka Puntland saddex nin oo budhcad badeed ah oo lagu qabtay hawlgal dhicisoobay oo 8-deedii bishii hore ay burcad badeedu doonayeen inay ku afdbuubteen Markab sita calanka Lubnaan.
Saddexdaasi maxaabiista ah ayaa la sheegay inuu ku jiro nin lagu magacaabo Cabdikariim Saalax Aw Koombe oo la sheegay inuu ka mid yahay hoggaamiyayaasha burcad badeedda Soomaliya islamarkaana hogaaminayay weerarka Fashilmay bishii aynu soo dhaafnay.
Cabdimajiid samatar jaafaan agaasimaha wasaarada dekedaha iyo ladagaalanka burcad badeeda oo ugu horeyntii goobta ka hadlay ayaa dowladda Shiinaha kaga Mahadceliyay si ay ugu guuleysatay soo qabashada raggaan Burcad Badeeda ah islamarkaana Puntland ay Maxkamadeyn doonto.


