Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad indha-cadde oo kamid ahaa Saraakiishii Hore ee Ciidamada Dowladda Soomaliya ayaa ka hadlay dhibaatooyinka lagu qabo ilaalada Madaxda Dowladda Soomaliya xiliyadda ay marayaan wadooyinka Magaalada Muqdisho.
Jeneraal Indha Cadde oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada muqdisho ayaa sheegay xalka arintaas in uu ku jiro in wado gaar ah loo sameeyo Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaliya iyo Ilaaladooda si buu yari shacabka aysan waxyeelo usoo gaarin xiliyadda ay kala shakiyaan ilaaladda Madaxda Dowladda.
“Runtii way adag tahay in wax laga qabto dhibaatooyinka ilaaladda Madaxda Dowladda Soomaliya ay u geystaan Shacabka isticmaalaya wadooyinka,balse hadii la sameeyo wado u gaar ah ilaaladdda iyo madaxda Dowladda Soomaliya xal ayaa la helayaa”, ayuu yiri Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad indha-cadde.
Hadalka Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad indha-cadde ayaa kusoo beegmaya xili Todobaadkii aynu soo dhaafnay ilaaladda Hantidhowrihii qaranka Soomaliya Dr Nuur Faarax Jimcaale ay toogteen Ala Ha U Naxariistee wasiikii Howlaha Guud iyo dib u dhiska Xukuumadda Soomaliya Cabaas C/laahi Shiikh Siraaji.

