Dowladda Kenya ayaa maamul Goboleedka Jubba-land ku wareejisay Maxaabis Soomaliyeed oo mudooyinkii ugu dambeeyay ku xirnaa xabsiyadda dalkaas.
Taliyaha Ciidamada booliska Maamulka Jubba-land ee Degmada Dhoobley Heybe Axmed C/laahi oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada muqdisho ayaa sheegay in Maxaabista tiro ahaan ay gaaraan 47-maxbuus, islamarkaana ay ku xirnaayeen Kunteenaro ku yaala Kenya.
Heybe Axmed C/laahi Taliyaha Ciidamada booliska Maamulka Jubba-land ee Degmada Dhoobley ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa hadalkiisa intaa ku daray in Maxaabistaan laga waday Gudaha dalka Soomaliya, islamarkaana ay Muddo badan ku xirnaayeen xabsiyadda ku yaala dalka Kenya.
Sidoo kale Taliyaha Ciidamada booliska Maamulka Jubba-land ee Degmada Dhoobley Heybe Axmed C/laahi ayaa tilmaamay in xiriiro ay la sameeyeen Madaxda dowladda Kenya ay ugu suurta gashay in Maxaasbitaan lagu soo wareejiyo Gacanta Dowladda Goboleedka Jubba-land.

