Maamulka Somali-land ayaa sheegay in aan sanadkaan la qaban doonin xuska maalinta munaasibadda 18-ka May oo ah markii ay ka go’een Jamhuriyadda Soomaliya inteeda.
Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland, Md. Cismaan C/laahi Saxardiid (Caddaani) oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in aan xuskan sannadkan loo qaban doonin xaflado sidii sannadihii hore, abaaraha dalka ka jira awgeed.
Waxaanu tilmaamay in madaxweyne Siilaanyo go’aamiyay in lacagtii ku bixi jirtay xafladahaas loo bedalay gurmadka abaaraha iyo qaadhaan ururintooda;
“Waxaa innagu soo fool leh xuskii munaasibadda 18-ka Mnay, waxaannu go’aamiyay madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) in 18-ka May dabaal-degeedii aynu sannad walba samayn jirnay 25-kii sannadood ee la soo dhaafay in aanu sannadkan sidii hore u dhici doonin. In Somaliland gobol iyo degmaba in lacagtii lagu dabaal-degi jiray loo bedalo gurmadka abaaraha.

