Akhriso:-Magaca Banaadir Hala bedelo! Ma dalka iiraan ayaa Lagu Xumeeynayaa

0

Sir: Charles Belgrave, oo ahaa Ingiriis la talin jiray hogaamiyayaashii dalka Baxreeyn ayaa Sanadkii 1930-kii soo jeediyay in magaca Persian Gulf ama (Gacan Baddeedka Iran Gulf) la bedelo, fekerkaasi waa socday illaa Sannadkii 1960-kii. Iiraan marna ma aqoonsan,in kastoo carabtu lacag badan ku bixisay in maadada Joqorafiga iyo Map-ka cusub lagu daro magaca.

Waxaa kale oo la yiri: Badda Indian ocean halaga bedelo magaca oo haloo bixiyo Afrikan Ocean, bacdamaa waddama badan oo Afrikan ah ay xad la leeyihiin. Afrikaankii taa waa diideen,waxa ay yiraahdeen: waqti iyo dhaqaale badan ayaa ku baxaya, taariikhduna fudeedkaa ku badalmi ma doonto, macna weyna ma sameeyneeyso.

Haddana waxaa la soo jeediyay magaca Banaadir hala bedelo! Ma Iiraan ayaa lagu xumeeynaa.Bandar waa kalmad Iraani ah oo macnaheedu yahay magaalo xeebeed, haddii dhowr magaalo ay ku yaalaan xeebtana waxaa la yiraa Banaadir oo jamac ah, magacaa oo markii hore Irantu u taqiin xeebaha soomaalida ilaa magaalada Kismaayo, markii dambene lagu soo koobay 5 magaalo oo ganacsi caalami ah la lahaa Iran iyo Shiinaha, kuwaa oo kala ahaa: Cadale, Warshiiq, Xamar, Marko, iyo Barawe.

Iraan waxa kale oo ay keeneen magaca Mogadishu sida qoraalo badan sheegayaan,oo ah laba xaraf : Maqcad =Kursi asal ahaan kalmad carabi ah,iyo Shaah = Hogaamiye asal ahaan kalmad Iraani ah, halkaa oo uu degenaa wakillka shaaha . dhinaca kale waxaa jira kalmada Gandarshe oo ah laba kalmadood oo asal ahaan Irani ah Gander= ku xigeen ,iyo shaah oo ah hogaamiye, waana halka maanta loo yaqaan gandarshe oo uu degenaa ku xigeenkii hogamiyihii xamar. ( yaan la bedealin magacyada shabeelaha hoose ).

Horeeyba u burbureen oo magac kaliya ayaa ka haray Mogadishu iyo gandarshe fiiri sawirada :1 & 2aad.

Ogow magaca Amerika waxa uu ka yimid Amerigo Vespucci oo ahaa wiil yar oo dalka Talyaaniga u dhashey oo ahaa reer Florence, helayna dalka Mareykanka looguna magac daray. Hadda haddii Talyaani iyo Mareykan ay diriraan ama dagaalamaan ma magacaa la bedelayaa????

Yaan taariikhda loo bedelin Iraan Naceeyb ama raali galin Carbeed . waxaa jira wadama Carbeed oo shiicadu ay tahay qaybta bulshada ugu badan .Shiicana weligeed xamar waa joogtay laakiin Soomaali ma aheeyn, 10 qof jamaaca ka yar ayaa Masaajidooda joogi jiray fiiri sawirka 3-aad.. Haddda Shiico Soomaaliya waa joogta waa run, weliba waxa ay ka mid yihiin 9-ka kooxood ee Xamar wax ku dila,laakiin iyagaa ugu roon dadka kale ma dilaan iyagaa dhaxdooda dilaalnima isku dila.qorshahoodana kuma jirto shiica fidin.

Shiica kuwa ka daran oo aan islaannimaba sheeganeeyn ayaa hadda howl bilaabay xatta kuwa aan aaminsaneeyn diimaha samaawiga.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here