Wararka ka imaanaya Woqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ee dhanka Maamulka Puntland ayaa ku waramaya in hobiyayaal loogu dabaalgayay Guusha madaxweynaha Cusub ee Maamulka Galmudug in ay ku dhaceen Magaaladaas.
Inta la xaqiijiyay Labo qof ayaa ku dhaawacantay hoobiyayaal ku dhacay guri ku yaala xaafada israac ee Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ee dhanka Puntland.
Hoobiyayaashaan ayaa loo maleynayaa inay yihiin hoobiyaal habow ah oo ka yimid dhinaca koonfurta Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, ee dhanka Maamulka Galmudug,waxaana ay ahaayeen kuwa loogu dabaalgayay Guusha Madaxweynaha Cusub ee Maamulkaas Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

