Labo Arrin oo Horyaala Madaxweynaha Maamulka Galmudug+Dhageyso

0

Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Cabdi Faarax Juxa oo oo hadal ka jeediyay doorashadii maanta ka dhacday magaalada Cadaado ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Galmudug, ayaa dardaaran u jeediyay madaxweynaah Cusub ee Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Wasiir Juxa ayaa ugu baaqay madaxweynaha Cusub ee Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, in uu diirada saaro labo arrimood oo kala ah wada-hadalka lala galayo Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna Waljameeca, iyo in uu si wanaagsan u maamulo dowladd Goboleedka Galmudug.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Cabdi Faarax Juxa ayaa tilmaamay in hadii aan la qancinin Mamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna Waljameeca In aysan waxba hagaagi doonin islamarkaana Madaxweynaha Cusub loogu baahan yahay in uu ka shaqeeyo qancinta Maamulka Gobolada Dhexe Ahlusuna.

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaliya Cabdi Faarax Juxa ayaa ugu baaqay madaxweynaah Cusub ee Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, in uu ka shaqeeyo amniga deeganada Maamulka Galmudug oo uu sheegay in haatan ay ku sugan qeybo kamid ah Xarakada Al-shabaab.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here