Al-shabaab oo Laga Cabsi Qabo in ay La Wareegaan Degmada Baardheere+Dhageyso

0

Taliyaha Booliska Dagmada Baardheereee Gobalka Gedo C/casiis Xasan Cilmi. ayaa Idaacada Simba u Sheegay in Al-shabaab ay Dib ula Wareegeen Dagaano Dhowr ah oo hoos taga Dagmadaasi kuwaasi oo Muhiim u ahaa Gacan ku heynta Baardheere.

Taliyaha ayaa Sheegay in laga Cabsi qabo Weeraro Al-shabaab ay ku Qaadeen Degmada Baardheere Maadaama Sida uu Xusay ay Muuqato inay Dib u soo laabatay Awoodii Al-shabaab Gobalka Gedo.

Wararka ka imaanaya Gobalka Gedo ayaa Sheegaya in Khilaaf Xoogan uu Soo Kala Dhexgalay Maamulka Jubaland iyo Beelaha Gobalkaasi Daga Taasi oo Sababtay in Al-shaab ay Si fudud gacanta ugu dhigaan Deegaano ay sugnaayeen Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here